Guddoomiyaha Tuli Guuleed oo booqasho ku maraya tuulooyinkii laga barakacay

Guddoomiyaha Tuli Guuleed oo booqasho ku maraya tuulooyinkii laga barakacay

Guddoomiyaha Degmada Tuli Guuleed, Guuleed Maxamed Ismaaciil, ayaa booqasho ku maraya tuulooyinkii ay ka barakeceen shacabkii, xoolodhaqatadii iyo beeralaydii deegaanka.

Guddoomiyaha oo ku gudojira booqashadiisa ayaa waxa uu agabka guryaha lagu dhisto iyo lacag u qaybiyey shacabka danyarta ah ee qabalaha Dacwooley iyo Waraabalay. Tuulooyinka ayaa kamid ah kuwa si joogto ah ay maleeshiyaadka Oromadu weeraro ula beegsadaan, laakiin illaa iyo hadda ay ku guuldareysteen in ay toos ula wareegaan.

Guddoomiye Guuleed Maxamed ayaa xilka loo magacaabay bishii la soo dhaafay ee April, waxaana isa soo taraya dadaalada uu ka wado deegaamada Tuli Guuleed, waxa uuna dayactir ku sameeyey dugsiyadii waxbarashada ee la burburiyey, qaarkoodna maleeshiyaadka Oromadu ay gubeen iyo waliba xarumihii caafimaadada ee qabaleeyada.

   

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com