Dmitry Medvedev Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Ammaanka, horena u ahaa Madaxweynaha Ruushka oo Yiri Zelensky waa Jaanki Daroogo Dilootay
Maalin hore Madaxweynaha Ukraine Zelensky oo warbaahinta la hadlaya ayaa qabtay taleefoonka oo aan dhicin kana jawaabay. Madaxweynihii hore ee Ruushka Medvedev oo hadda lagu tiriyo ninka ugu mayal adag madaxda Ruushka baa inta la yaabay gadda cusub ee Zelensky waxa uu yiri, “Jaankigii daroogadu dilootay waxa uu maanta la yimid shaaciro cusub asaga oo iska dhigaya inuu la hadlayo Macron. Kulahaa, ‘Mikron, wax yar sug, hadda waqti ma hayo, mardhow ayaan ku soo wici doonaa.'”
Medvedev oo sii wata hadalkiisa waxa uu ku sii daray, “Warbaahin kusheegtii horfadhiday shaaciroolaha waa indhasarcaadsanyihiin, shaaciroolohiina shaaciradiisii buu iska sii wataa. Laakiin xaqiiqadu waxaa weeye xataa lama yaqaan qof soo wacay. Rahii waa aamusanyahay.” Ogoow rahu waa cayda Faransiiska maadaama ay raha aad u cunaan.
Medvedev hadalkiisa waa sii watay wuxuuna sii raacshay, “xataa wasaaradoodii arrimaha dibadda waa shibeey-shib. Yaa se shaqo ku leh illeen waa intuu shaacirooluhu rabay e.
Ugu yaraan ninkii Trump ahaa baa xafiiska Aqalka Cad si ba’an ugu xanuujiyey. Laakiin taasi shaaciroolaha dhib kuma hayso oo ugu yaraan Macron buu wuxuu ula dhaqmaa sidii wax aan sharaf lahayn.
Haddaba waxaasi soo wax laga murugoodo ma aha! Bal umadeey ka warrama masiirka malaayiin dad ah oo ku nool gayigaas Ukraine waxa uu ku xiranyahay ficilada jankigaan daroogistaha oo rag iyo Rabbi toona aan aqoon.”
> Daljir Media
COMMENTS