Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Wareegto uu soo saaray wuxuu ku mamnuucay in laga soo dejiyo dekedda iyo dhammaan soohdimaha dhulka ee magaalada Muqdisho gaadiid Mooto Bajaajka ah oo cusub.
Guddoomiyaha ayaa u muddeeyey labo bilood oo maanta ka bilaabanaysa, dadka ay haatan kaga jiraan gaadiidkaasi dekedda iyo kastmyada magaalada Muqdisho.
Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay wadeyaasha gaadiidka Bajaajka ee ka dhex shaqeeya Caasimadda in ay ka digtoonaadaan khataraha shilalka oo marar badan ay soo diiwaan geliyeen Ciidanka Ilaalada Waddooyinku shilal sababay khasaare nafeed iyo mid maalba.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wadeyaasha Bajaajku ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, una hoggaansamaan tallaabooyinka lagu sugayo amniga iyo hannaanka waddo marista Caasimadda.
Go’ankan ayaa salka ku haya talo soojeedin ka timid Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo odoroosay tirade xad dhaafka ah ee gaadiidka Bajaajka ee ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho iyo saameynta ay ku leeyihiin amniga Caasimadda oo muddooyinkii u dambeeyey sii xumaanayay
COMMENTS