Guddoomiyihii hore gobalka Banaadir oo Madaxda DFS Fariin u diray

Guddoomiyihii hore gobalka Banaadir oo Madaxda DFS Fariin u diray

Iyada oo saacadihii la soo dhaafay magaalada muqdisho u ka da’yay roob saameyn ballaarn ku yeeshay qoysaska danta yar ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxaa arrintasi ka hadlay Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in roobka ka da’ayay Magaalada muqdisho uu saameyn ku yeesheen nolol maalmeedka dadka sida; isku socodka, ganacsiga, deggaanka iyo fayodhowrka.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Maamulka gobolka Banaadir iyo Madaxda Sare ee dowladda federaalka inay ogaadaan in mas’uuliyad gaar ah ka saaran iney shacabka u gurmadaan xilliyadan adag.

Hoos Ka Akhriso qoraalka Taabit Cabdi Maxamed.

Nimca waliba nusqaanteeda ayey leedahay. Roobbabka mahiigaanka ah ee maalmahan ka da’aya qeybo badan oo dalka ka midda gaar ahaan Muqdisho, waxey saameyn ku yeesheen nolol maalmeedka dadka sida; isku socodka, ganacsiga, deggaanka iyo fayodhowrka. Waxaan Alle ka baryeynaa in uu ummadda uga dhigo mid lagu qabowsado oo aanan wax dhib ah gaarsiin dadka, gaar ahaan kuwooda danyarta ah.

Waxaan ka codsanayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka warhayaan dadka xaaladda adag ku nool ee danyarta ah, una baahan gargaar wallaalnimo oo deg deg ah.

Dhanka kale, waa dhab in adeegga bulsho uu aad u liito, haddaba Maamulka Gobolka Benaadir iyo Dowladda Federaalka mas’uuliyad gaar ah ayaa ka saaran iney shacabka u gurmadaan xilliyadan adag, loona diyaar garoobo ka hortagga ama loo xakameeyo waxyeelada naf iyo maal ay daaddadku horseedi karaan.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com