Guddoomiyihii shirkadda Golis ee degmada Bursaalax ee gobolka Mudug Burhaan Cali Xaashi iyo nin kale oo ay wada socdeen ayaa xalay lagu dilay isla degmada Bursaalax, sida ay Daljir u xaqiijiyeen ilo kaladuwan.
Dilka labadaan nin ayaa waxaa geystay rag hubaysan, kuwaas oo dilkooda kaddib ka baxsaday goobta.
Wararka ayaa tilmaamaya dilka labadaan nin in uu la xiriiro dil kale oo horay uga dhacay degmada xilli sii horraysay, kaas oo lagu dilay labo nin oo kale oo uu ku jiray guddoomiyihii degmada Bursaalax. Ninkii guddoomiyaha dilay ayaa hore ugu baxsaday xagga degmada Caabudwaaq oo ah deegaan uu qaraabo dhaw ku lahaaa,, lagumana guulaysan in la soo qabto.
Diiwaanka Wararka | Warbaahinta Daliir


COMMENTS