Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo sheegay inaan Xilka Laga Qaadin (dhegayso)

Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo sheegay inaan Xilka Laga Qaadin (dhegayso)

Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo warbaahinta la hadlayeey ayaa ka horyimid xil ka qaadis lagu sameyeey ,taas oo uu sheegay inaysan waxba kajirin.

Cali Gacal Casir ayaa sheegay in aysan Sharci aheyn Xilka qaadista ay sheegeen in ay ku sameeyeen Qaar ka mida Xildhibaanada Galmudug Garabka Taageersan Madaxweyne Xaaf,waxaana uu sheegay inuu weli yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Baarlamaanka Galmudug ayaa qaar kamida waxaa ay sheegeen in ay Xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf,iyadoo Madaxweyne Xaafna uu ka hor yimid,balse Shalay ayey Xildhibaanno kale oo Taageersan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ay sheegeen in ay Xilka ka tuureen Madaxweyne Kuxigeenkii iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

dhegayso codka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com