Doorashada Gudoomiyaha degmada Bosaaso oo ay goob joog ka ahayd wasaarada Arimaha Gudaha dowlada Puntland, Wasiiro ka tirsan dowlada,Maamulka Gobolka Bari iyo Taliska qaybta Booliiska Gobolka Bari isla markaana ay maamulayeen Gudiga doorashada ayaa waxaa soo xaadiray 33-da mudane ee gollaha deegaanka iyadoo ay ka qaybaleen Afar Musharax oo doonayey xilka Gudoomiyaha kuwaas oo Kala ahaa Dr Cabdiraxmaan Cabdulaahi Cali Jinac, Dr Cilmi Cumar Xaaji Cilmi, Abuukaate Cabdixakiin Axmed Xuseen iyo Cabdulaahi Cali Cartan oo dhammaantood doonayey inay hogaamiyaan degmadan Bosaaso.
Intaa ka dibna Saddex ka mida Mushaarxiinta ayaa u tanaasulay Dr Cabdiraxmaan Cabdulaahi Cali Jinac,oo sidaasi ku noqday Gudoomiyaha cusub ee degmada Bosaaso, madaxdii dowlada,Xisbiyada Siyaasada iyo masuuliyiin kale ayaana kelmedo Hambalyo ah u jeediyey Gudoomiye Cabdiraxmaan Jinac.
> Daljir Media


COMMENTS