Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte iyo saraakiil ciidan oo gaaray Deeganka GOOBO ee Degmada Maxaas

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan  Cali Jeeyte iyo saraakiil ciidan oo gaaray Deeganka GOOBO ee Degmada Maxaas

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo aay wehliyaan Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka xooga Dalka soomaaliyeed iyo xildhibaan Cabduqaadir Abwbakar dhagaweyne oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray Deeganka GOOBO ee Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo saraakiisha ayaa halkaais ku soo dhaweeyey Shacabka degaanka, iyaga oo ku bogaadiyey dadaalada mira Dhalka leh ee uu wado Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka sida taas oo aay Sheegeen inay ku garab istaagayaan ilaa laga gaaro guusha.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa goob fagaaro ah kula hadlay Ciidamada Dib u xorenynta degaannada Gobalka Hiiraan ee ku sugan degaanka Goobo, isaga oo kula dardaarmay in la dhameeystiro guulaha wax tarka Leh ee lagaaray Sidoo kalane xusay in inta laga Xaqiijinayo himiladda Nabad-galyada ee Gobalka Hiiraan in uu san ku laaban doonin xafiiskiisa Shaqada ee magaaladda.

Shacabka Deeganka ayaa balan qaaday ineey Xoojin doonan wadashaqeeynta Ciidamada Qalabka sida iyo Maamulka Gobalka si loo xoojiyo Nabadda iyo ladagaalanka kooxda Al-shabaab Loogana nadiifin lahaa goobaha aay ku Dhuumaaley sanayaan Argagixisada Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa xusay in Cadawga Jab xoogan uu Gaaray awood aay ku Dagaalamaane aaysan Laheyn asigoo ku adkeeyey Bulshada Deeganada Gobalka Hiiraan ineey’san Joojin halganka Maamulka Gobalka iyo Ciidamada qalabka sida ee soomaaliyeed aay garab taaganyahiin Shacabka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com