Gudoomiyihii degmada Burtinle oo si rasmi ah xilkii looga xayuubiyay

Burtinle, Feb 25- Ka dib markii shalay degmada Burtinle uu soo gaaray wafdi uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha Puntland Gen. C/laahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) ayaa maanta si rasmi ah waxaa loo shaaciyay in xilkii degmada laga qaaday gudoomiyihii golaha deegaanka ahaana gudoomiyihii degmada Faarax Maxamuud Jaamac (Salwe).


Arinta ugu weyn ee gudoomiyihii degmada xilka looga qaaday ayaa ahayd ka dib cabashooyin dhawr jeer maamulka deegaanka iyo golaha ay u gudbiyeen xukuumadda dhexe ee Puntland.


Wafdiga yimid degmada ee uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha Jeneraal Ilka-jiir ayaa golaha deegaanka ugu baaqay inay iska soo dhex doortaan masuulkii xilkaas u qaban lahaa oo ay ku kalsoonyihiin.


Xaafid Cabdirisaaq Axmad oo kamida golaha deegaanka ayaa radio daljir u xaqiijiyay dhab ahaanshaha xil ka qaadista gudoomiye Salwe, sidoo kale xiriir qudhiisa aynu la samaynay waa uu ka gaabsaday inuu arimahaasi ka hadlo.


Diiwaanka Wararka daljir
Burtinle, Warqabad
(S)

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com