Guinea-Bissau oo Heshiis Macdan Baaris la Saxiixday Ruushka, Muxuu se Heshiisku kaga Duwanyahay Heshiisyada Reer Galbeedka

Guinea-Bissau oo Heshiis Macdan Baaris la Saxiixday Ruushka, Muxuu se Heshiisku kaga Duwanyahay Heshiisyada Reer Galbeedka

Guinea-Bissau oo Heshiis Macdan Baaris la Saxiixday Ruushka, Muxuu se Heshiisku kaga Duwanyahay Heshiisyada Reer Galbeedk

Heshiiska maanta ay kala saxiixdeen Ruushka iyo Guinea-Bissau waa mid taariikhi ah oo Galbeedka Afrika dhif iyo naadir ku ah.

Haddaba maxaa kamid ah qodobada heshiiska?

Waxaa la isla saxiixday qodobada soo socda:

1. In la bilaabo macdan baaris wajiga koowaad ee raadinta

2. In la ogaado mugga macdanta deegaanka camiran

3. In laga wada heshiiyo mashaariicda iyo habka soo saarka macdanta

4. In Ruushku bixiyo shahaadada nooca macdanta ee loo iib geenayno adduun weynaha

5. In Ruushku tababaro arday jaamacadaha iyo wasaaradaha macdanta dalka si ay u helaan waxbarasho gaarsiisa in ay iskood ula soo baxaan macdanta

6. Waxaa la shaaciyey qodobada heshiiska

Dalalka reer Galbeedka ayaa hore nidaamkoodu ahaa in ay la soo baxaan macdanta, keensadaan shaqaalaha, dalkana aan marnaba loo tababarin arday iyo wasaarado dawlo si dalku uusan u gaarin isku fillaansho, helina arday tababaran.

Soomaaliya maanta khayraadkeeda saf dheer loogu jiro, hal heshiis oo la shaaxiyeyna uusan jirin, maxay ka baran kartaa dalalka Galbeedka Afrika?

Nala qaybso fiiradaada iyo falcelis.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com