Wafdi kasocday maamulka Soomalailand ayaa saaka kasoo ambabaxay magaalada Hargaisa.
Wafdigaan ayaa wadda Gargaar ay ugutalagaleen dadkii ay saamaysay fatahaadii wabiga Shabeelle.
Deeqda ayaa waxaa si wada jir ah u soo uruuriyay Culimada iyo shacabka ku nool deegaanada Soomaaliland.
Xubnaha ka socda Somaliland ayaa sheegeen in ay wadaan lacag ka badan lix boqol oo kun oo dollar (600,000$) oo ay ugu talo-galeen fatahaadihii sannadkan ku dhuftay magaalada Baladweyne.
Weftigan waxaa hogaaminayay Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo horeyna uga mid ahaa waftigii ay Somaliland u dirtay Muqdisho wakhtigii ay abaaruhu ku dhufteen koonfurta Soomaaliya.
COMMENTS