Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland oo la Yagleelay

Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland oo la Yagleelay

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa u qorayd sidan hoose:

XEER MADAXWEYNE : DHISMAHA HAY’ADDA AQOONSIGA DADWEYNAHA PUNTLAND (PID).

Boosaaso: 09 April 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 04 ee 9-Ka April 2025 kuna saabsan Dhismaha Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Baahida loo qabo Dhismaha Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey: –

1. Waaxaa la dhisay Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com