Hay’adda Cafimaadka Aduunka oo ka digtay khatarta COVID-19

Hay’adda Cafimaadka Aduunka oo ka digtay khatarta COVID-19

In ka badan 8 milyan oo qof ayaa la xaqiijiyay inay qabaan cudurka ‘coronavirus’ adduunka oo dhan.

ku dhawaad 3.8 milyan ayaa soo kabsaday, halka ugu yaraan 435,662 ay dhinteen, sida lagu sheegay xog aruurin ay sameysay jaamacada Johns Hopkins.

Mareykanka, Brazil iyo Boqortooyada UK ayaa soo sheegay dhimashada ugu badan.

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreysus ayaa uga digay wadamada feejignaan la’aan, waxaana uu sheegay in wali ay taagan halista Cudurka Corona virus.

Waxaa uu sheegay in wali ay sii kordhayso qatarka Cudurka, islamarkaana dunida laga rabo qorshe Mideysan si looga hortagga loona soo saaro talaal sahli kara in Cudurka la xakameeyo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com