Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo dalka kusoo celisay 107 muwaadin

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo dalka kusoo celisay 107 muwaadin

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) ayaa soo dhaweysay 107 muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku soo laabtay dalka kaddib markii ay muddo dheer ku noolaayeen xaalad qaxootinimo oo adag oo ka jirtay dalka Yemen. Dadkan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, ay ku jiraan haween, dhalinyaro, caruur iyo waayeelo, ayaa wajahaya dhibaatooyin daran oo ay ku qasbeen inay ka cararaan colaadaha iyo xasilooni darrada Yemen.

Soo celinta muwaadiniintan ayaa ah qeyb ka mid ah barnaamij ballaaran oo ay hirgelisay NCRI, iyadoo kaashanaysa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR. Labada hay’adood ayaa wada shaqeyn xooggan ku bixiyay sidii dadkaasi loogu fududeyn lahaa safarka, iyadoo sidoo kale la tixgaliyay xaaladaha caafimaad iyo nololeed ee ay la soo gudboonaadeen intii ay ku sugnaayeen Yemen.

Markii ay muwaadiniintan Soomaaliyeed ka soo dageen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho, waxaa loo gudbiyay Xarunta Soo-dhaweynta ee NCRI. Halkaas ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay, waxaana la siiyay agab muhiim ah oo ka kooban cunto, biyo, hoy iyo gargaar kale oo lagama maarmaan u ah dib u bilaabista noloshooda. Sidoo kale, waxaa la qorsheynayaa in qaar ka mid ah dadkaasi la dejiyo deegaannadooda asaliga ah, iyadoo laga taageerayo dib u dejinta iyo sidii ay u heli lahaayeen fursado shaqo iyo nolol cusub.

Dadaalka dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo cararaya dhibaatooyinka Yemen ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo NCRI ay ku doonayaan inay ku caawiyaan dadkooda, iyadoo ay sii socon doonaan dadaallada lagu caawinayo kumanaan kale oo wali ku sugan xeryaha qaxootiga ee Yemen iyo wadamo kale. Taageeradan waxaa looga gol-leeyahay inay kaalin weyn ka qaadato sidii dadkan loogu xoojin lahaa soo kabashada noloshooda oo ay muddo fog ka maqnaayeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com