HOGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO OO KULAN LA QAATAY GOLAHA WASIIRRADA IYO AGAASIMEYAASHA CUSUB EE DHOWAAN LA MAGACAABAY.

HOGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO OO KULAN LA QAATAY GOLAHA WASIIRRADA IYO AGAASIMEYAASHA CUSUB EE DHOWAAN LA MAGACAABAY.

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa kulan la qaatay Wasiirada Wasaaradaha Maamulkiisa & Agaasimeyaasha Cusub ee wasaaradaha Maamulka SSC-Khaatumo

Kulanka ayaa daarranaa Isbarasho Agaasimayaasha Cusub, Wasiiradda Wasaaradaha ay ka tirsan yihiin iyo Dardar gelinta shaqooyinka wasaaradaha horyaala.

Madaxwaynaha ayaana ugu horayn Golaha Wasiiradda & Agaasimeyaasha kula dardaarmay caddaalad intaa ka dibna ku boorriyay sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka shaqo ee ka saaran bulshada ay hogaamiye-yaasha u yihiin
Hoggaamiyaha ayaa Wasiiradda & Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Maamulkiisa ku bogaadiyey shaqooyinka ay sida hufnaanta leh u wadaan islamarkaana faray in ay sii laba-jibbaaraan hawlaha hortebinta u leh Maamulka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com