Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo mud: Cabdiqaadir Axmed Aw Cali oo ay weheliyaan xubno wasiirro ah oo u xilsaaran nabadaynta ayaa kulan la qaatay odayaasha, Waxgaradka, guddiga nabadaynta iyo xildhibaannada degmada Boocame.
Kulanka ayaa diirradda lagu saaray adkaynta nabadgelyada iyo sidii shaqaaqadii dhexmartay dadka walaalaha reer guuraaga ah iyo sidii loo sii anba qaadi lahaa wadahadalladii nabadaynta.
Hoggaamiyaha ayaa uga tacsiyeeyey ehelkii iyo qaraabadii dadkii ku dhintay shaqaaqadii dhexmartay dadka walaalaha ah, islamarkaana faray ilaalinta wada noolaanshaha iyo deris wanaagga.
Dhanka kale odayaasha ayaa warbixintooda ku daray in ay diyaar u yihiin nabad waarta oo dhexmarta iyaga iyo walaalahooda ay ood iyo ab-wadaagta yihiin.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in Maamulka SSC-Khaatumo uu isla maalintii shaqaaqadu dhacdayba goobta u diray ciidammada Booliska iyo Xasilinta oo door weyn ka qaatay qaboojinta xiisaddan.
FAALLOOYIN & FALCELIN