Hogaamiyaha wadanka Ukrain ayaa lagu tilmaamay midka ugu nugul Yurub

Hogaamiyaha wadanka Ukrain ayaa lagu tilmaamay midka ugu nugul Yurub

Hogaamiyaha Ukarin  Zelenskyy  ayaa isku arka inuu yahay bartilmaameedka ciidamada Ruushka ee qabsaday qaybo ka mid ah caasimadda Kyev , iyagoona ay dadaal ugu jiraan sidii ay u badali lahaayeen hogaamiyahan.

Zelenskyy oo ahaa majaajilayste iyo nin dadka ka qosliya ayaa ah  nin siyaasadda ku cusub , waxaana uu madaxwayne ku guulaystay kadib doorasho la qabtay sanadkii 2019kii.

 

 

Ukraine President Volodymyr Zelenskyy
Waxaa uu ku dhashay gobolka bulshadiisa ay intooda badan ku hadlaan Afka Ruushka , caana ku ah warshadaha ee dhacda bartamaha Ukarin ee la yiraahdo Kryvyi Rih , waxaana doorashadiisa kadib uu isticmaalay diblumaasiyasad uu ku raadinayo in maxaabiis dagaal ee Ukrain in inuu wadankooda kusoo celiyo.
Zelenskyy marna iskuma dayin inuu xiriir wanaagsan la yeesho madaxwaynaha Ruushka iyo dowladdiisa,  waxaana taasi badalkeed uu door biday inuu taageero wayn u noqdo siyaasadda arrimaha dibadda ee reer galbeedka oo markii dambe sababtay inuu raadiyo xubinimada NATO, taasi oo Ruushka uu u arkay inay tahay khatar wadankiisa soo wajihi kara maadaama difaacyada NATO ee gantaalaha lasoo dhigayo wadankan dariska la’ ah, taasi oo keentay inuu qaado dagaal xooggan oo galay maalinkii labaad.
Inkasto digniino Mareykanka uusoo saarayay oo Ruushka looga digayo inuy duulaan ku qaadin Ukrain haddana ma hakin qorshaha Ruushka ee dagaalka.
Khamiistii 24 February Zalenesky ayaa noqday hogaamiyaha ugu dabacsan ee Yurub, sida ay u arkaan dadka baraha bulshada isticmaala  kadib duulaankii Ruushka ee badda, cirka iyo dhulka uu ku qaaday wadankaasi.
https://twitter.com/aybikemutluer/status/1497128666190561282?ref_src=twsrc%5Etfw%7Ctwcamp%5Etweetembed%7Ctwterm%5E1497128666190561282%7Ctwgr%5E%7Ctwcon%5Es1_&ref_url=https%3A%2F%2Fwww.aljazeera.com%2Fnews%2F2022%2F2%2F25%2Fwho-is-volodymyr-zelenskyy-europes-most-vulnerable-president
Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI).

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com