Hogaanka NUSOJ oo socdaal wadatashi iyo xog-wareysi ah kusoo gabagabeysay Puntland (Sawiro)

Hogaanka NUSOJ oo socdaal wadatashi iyo xog-wareysi ah kusoo gabagabeysay Puntland (Sawiro)

Socdaal wadatashi ah oo qaatay muddo seddax maalmood oo ay ku bixinayeen guddiga fulinta ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa maanta lasoo gunaanaday.

Xubnaha wafdigan oo shan xubnood ahaa ayaa waxaa horkacayay Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan, ayagoo la kulmeen 73 suxufi, waxayna booqdeen xarumo warbaahineed oo ay ka howlgalaan TV-yo iyo idaacado, halkaasoo ururka NUSOJ iyo suxufiyiinta Puntland isaga warameen qodobo badan oo ku aadan xaalada ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Puntland, xoriyada saxaafada Puntland, caqabadaha hortaagan wariyaasha iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin in laga saacido si xirfadooda iyo xoriyadooda kor loogu qaado.

“Socdaalkan ujeedkiisa waxaa uu ahaa talo wadaag iyo xog-wareysi aan la sameynayno suxufiyiinta Puntland si qorsha howleedka NUSOJ ee 2019 ee aan ka fulineyno Puntland u noqdo mid si toos ah uga tarjumaya waxyaabaha sida tooska ah muhiimada ugu leh suxufiyiinta Puntland,” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

“Wariyaasha waxaan ula kulanay si gaar-gaar ah iyo koox-kooxba, halka qaarkood aan ku booqanay xarumaha shaqo ee ay ka shaqeeyaan oo aan la fariisanay iyaga iyo maamulka warbaahinta ay ka shaqeeyaan si loo helo afkaar dhameystiran oo hagi karta wadada saxda ah ee aan ku howlgali karno,” ayuu ku daray Cumar Faaruuq.

Kulamadan wadatashiga ee NUSOJ ku qabatay caasimada Puntland ee Garoowe waxaa ka qeyb qaatay suxufiyiin ka kala yimid magaalooyinka waaweyn ee dowlad goboleedka Puntland sida Boosaaso, Qardho, Garoowe, Gaalkacyo iyo Buhoodle. Suxufiyiintan ayaa isugu jiray gabdho iyo wiilal, iyo kuwa muddo kusoo jiray saxaafada iyo qaar kusoo biiray mihnada sanadihii dambe.

Howl-galkan wadatashiga iyo xog-wareysiga intii lagu guda jiray, NUSOJ waxay la tashiyo dhinaca siyaasadaha quseeya dhowrista xoriyada aas-aasiga ah ee suxufiga, difaacitaanka saxaafada xorta ah, nabadgelyada suxufiga, la dagaalanka dambiyada aan la ciqaabin ee laga galo suxufiyiinta iyo ilaalinta xuquuqaadka shaqo ee suxufiyiinta la yeelatay madaxda Wasaaradaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dhaqanka iyo Shaqada & Shaqaalaha iyo hogaanka guud ee hay’adaha amniga Puntland oo ay hoos yimaadiin ciidamada Police, Militariga iyo Sirdoonka.

“Wadatashiyadan waxaa nooga soo baxay talooyin wax ku ool ah oo ka turjumaya xaqiiqda dhabta ah ee ku saleysan baahida suxufiyiinta Puntland, waxaana aan ku jaan-goyneynaa qorsho howleedkeena, waana arrimo aan kula laaban doono suxufiyiinta sanadka marka uu dhamaado si loo ogaado xadiga isbadal ee dadaaladii la sameeyay ay keeneen,” ayuu raaciyay Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

Waa markii ugu horeysay ee wariyaasha Puntland ay hor fariistaan madaxda sare ee NUSOJ, si toos ahna ugu gudbiyaan fikirkooda ku aadan mushkiladaha dibada uga imaanaya iyo caqabadaha ka hortaagan gudashada waajibaadkooda xirfadeed, ayadoo loga gol leeyahay in NUSOJ ay gacan ka geysato xal u helidooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com