HOGGAAMIYAHA SSC OO SAGOOTIYEY RA’IISAL WASAARE XAMSE

HOGGAAMIYAHA SSC OO SAGOOTIYEY RA’IISAL WASAARE XAMSE

Hoggaamiyaha Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta si rasmi ah uga sagootiyey Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, gegida diyaaradaha ee Laascaanood.

Ra’iisal Wasaare Xamse iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa muddo afar maalmood ah ku sugnaa caasimadda SSC-Khaatumo iyaga oo ku guda jiray safar shaqo oo taariikhi ah.

Intii uu safarka ku sugnaa Laascaanood, Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu dhagax-dhigay mashaariic horumarineed oo muhiim u ah adeegyada bulshada iyo dhismaha dawladnimada. Safarka ayaa kusoo dhammaaday guul weyn oo siyaasadeed iyo mid is-afgarad ah oo u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo,

Ugu dambayn hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa Raysal wasaaraha ka sagootiyey gegida diyaaradaha ee Laascaanood.

#socdaalmidnimo

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com