Hoggaamiyaha Yemen ee Xisbiga An^sarullah Sayed Abdul Malik Al-^xuuti oo Dhaleeceyn Dusha uga Riday Hoggaamiyayaasha Carabta

Hoggaamiyaha Yemen ee Xisbiga An^sarullah Sayed Abdul Malik Al-^xuuti oo Dhaleeceyn Dusha uga Riday Hoggaamiyayaasha Carabta

Yemen oo ah dalka kaliya ee Carbeed ee garabtaagan shacabka Falas^tiin daraadoodna hadda duqeyn darani ku socoto oo haddana 10 sano ay Sacuudiga iyo Imaaraadku dagaal ba’an ku hayeen, welina loodin la’yihiin, ayaa hoggaamiyahoodu saacado kahor dhaleecayn dusha kala dhacay waddamada Carabta, asaga oo tilmaamaya liidnimadooda.

Hoggaamiyaha ayaa yiri, “Halkii ay taageeri lahaayeen dadka reer falastiin ee cadowga iska caabinaya, waddamada Carabtu waxay dhaleecaynayaan Iran oo ah dalka kaliya ee taageero militari siiya xoogagga iskacaabinta. Sidee Iran u taageeri kartaa xoogagga iskacaabinta miyey ula colloobeen Iran?”

Hoggaamiyaha Yemen ayaa intaas sii raacshay, “Dhaqaalaha cadowga waxaa taageera oo lafdhabar u ah Turkiga, Masar, Urdun, Sucuudiga iyo Imaaraadka, meeshii laga rabay in ay taageeraan oo dhaqangeliyaan cunaqabataynta dhaqaale ee aan saarnay cadowga. Ugu yaraan haddii aadan taageeri karin shacabka reer Falastiin ha gadan badeecadaha Mareykanka iyo Is^raa’iil oo intaas garabistaag uga dhig.”

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com