Howgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidanka xoogga Dalka ayaa lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Howgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidanka xoogga Dalka ayaa lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howgal qorsheeysan ka sameeyay degaanka Qabdho oo hoostaga degmada matabaan ee gobolka hiiraan halkaas oo mararka qaar lagu arki jiray Xubno katirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay sigaar ah u fuliyeen guutada 5aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii degaannada u dhow degmada Matabaan looga saari lahaa Ururka Al-Shabaab oo dhowr jeer weerar ku qaaday degmadaasi Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalka Al-Shabaab looga dilay ku dhowaad 10 Xubnood, sidoo kalena laga bur-buriyay bartii ay shacabka kaga qaadayeen lacagaha.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage wuxuu sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii looga hortagi lahaa dhagarta Al-Shabaab, isla markaana shacabka looga dul qaadi lahaa dhibaatada ay ku hayaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com