Howlgalo lagu ciribtirayo Al-shabaab iyo Daacish oo kasocda buuralayda Galgala ee gobolka Bari (Akhriso)

Howlgalo lagu ciribtirayo Al-shabaab iyo Daacish oo kasocda buuralayda Galgala ee gobolka Bari (Akhriso)

Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidamada badda Puntland ayaa ka dhacay Buuralyda Galgala ee gobolka Bari, Waxaan intii uu socday lagu dilay maleyshiyaad katirsan Argagixisada Al-shabaab.
Ciidamada ayaa so furtay hubka noocyadiisa fudu oo ay kooxda Al-shabaab ku dagaalamayeen iyo saanad isgu jirta raashiin iyo agab kale.

Sarkaal katirsan xciidamada howlgalkan fuliyay ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen qaar kamd ah maxaabiistii ay Al-shabaab kala baxeen xabsiga dhexe ee Boosaaso.

Dhan kale ciidamada ayaa howlgal ay ka sameeyeen xeebaha Puntland waxa ay kusoo qabteen in kabadan 10 doomood oo nooca kaluumaysiga ah kuwaas oo si sharci daro ah uga kaluumaysanayay xeebaha bari ee Puntland.

Doonyahan ayaa lagu soo xiray dekeda Boosaaso, Waxaana dhawaan la hor keeni doonaan maxkamada darajada 1aad ee gobolka Bari.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Argagixisada Al-shabaab ee xabsiga Boosaaso ,Madaxweynaha Puntland waxa uu amray howlgalo joogto ah oo lagu ciribtirayo Ururada Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysanaya Buuralayda gobolka Bari.

Xassan Heykal, Daljir Garoowe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com