Ilyaas Barre ? Kenya ma rabto mana qaadan karto xataa hal Inch oo dhulka Soomaaliya ah?(MAQAL)

Nairobi, July 15- 2013 – Mudane Ilyaas Barre Shiil oo xubin ka ah Baarlamaanka Soomaalida ah ee dalka Kenya ayaa ka hadlay arimo la xiriira siyaasada Jubbooyinka iyo ciidanka dalka Kenya ee halkaasi jooga, wuxuu beeniyey warar soo shaac baxayey sanadihii tegey.

Xilibaanka oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Nairobi oo Afur ahaa isla markaasna ay ka qeyb galeen madax kala gedisan oo Soomaaliya horey xilal uga soo qabtay, loogana hadlayey arimaha Soomaaliya, ??ayaa wuxuu halkaas ka jeediyey hadal salka ku haya doorka Kenya ee Soomaaliya.

? Kenya ma dooneyso in ay qaadato deegaano ka tirsan Soomaaliya xataa hal Inch, waa been abuur warka sheegaya in Kenya ay dooneyso in ay qeyb qaadato badda Soomaaliya, taas anaga xataa ma ogolaan karno? ayuu yiri Mudane Ilyaas Barre.

Xilibaankan ka tirsan Baarlamanka Kenya oo ka mid ah mudanayaasha aqlabiyada sare ku leh Baarlamanka dalka Kenya, ayaa sidoo kale wuxuu ka faalooday nolosha caadiga ah ee Soomaalida dalkaas joogta, wuxuu sheegay in ay ?dadaal ugu jiraan had iyo jeer horumarka Soomaalida dalkaas joogta.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Hoos ka Dhegeyso hadalka mudane Ilyaas Barre.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com