Imaaraatka oo Dhuun Shidaalka qaada ka hirgalinaysa dalalka Eriteriya iyo Itoobiya

Imaaraatka oo Dhuun Shidaalka qaada ka hirgalinaysa dalalka Eriteriya iyo Itoobiya

Imaaraatka Carabta ayaa wadda qorshe ay ku hirgalinayo dhuun shidaal dalalka Eriteriya iyo Itoobiya, taasi oo isku xiraysa magaalooyinka Addisababa iyo Asab ee dekedda leh ee Eriteriya.

Warbaabinta Itoobiya oo soo xiganaysa saraakiil katirsan Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay dhuunta shidaal inay ka faa’iidaysan doonaan dalalka Itoobiya iyo Eriteriya.

Heshiiskan ayaa caqbad dhaqaalle ku keeni doona dalka Jabuuti oo shidaalka loo soo marin jiray dalka Itoobiya.

Imaaraatka Carabta ayaa saamaynteeda Geeska Afrika ay sii kordhaysaa, iyadoona Khaliijka uu ku guulaystay soo afjaridda khilaafka mudada dheer ee u dhaxeeyey labda dowladood ee Itoobiya iyo Eriteriya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com