Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare oo Maanta ka bilaabanaya Muqdisho & Gobolada dalka

Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare oo Maanta ka bilaabanaya Muqdisho & Gobolada dalka

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka waxaa Maanta ka billaabanaya Imtixaanka Shahaadaiga ee Fasalka 12aad ee Dugsiyada Sare, kaas oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa Maanta daahfuri doonaan Imtixaanka oo sanadkaan ay kusoo kordheen degaano iyo degmooyin cusub oo katirsan Maamulka SSC Khaatuma.

In ka badan 30,000 oo Arday oo isugu jira Rag iyo Dumar ayuu Maanta Imtixaanka uga billabanaya Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Maamulada Puntland iyo SSC Khaatuma oo iyaga si iskood ah Imtuxaanka u qaata.

Ammaanka Xarumaha lagu galaayo Imtixaanka dowladda ayaa la adkeeyay, iyada oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliya, kuwaas oo diidaya inay dadka Shacabka ah u soo dhawaadaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com