Warbaahinta Iran ayaa qoraysa in Iran markii ugu horraysay ay qorshaynayso inay gadato diyaaradaha dagaalka ee leh halka matoor ee Shiinaha nooca J-10C, lana mid ah kuwa Pakistan guusha u soo hoyiyey dagaalkii Hindiya. Illaa 50 J-10C diyaaradood ayaa illaa hadda dalabkooda la sheegay.
Iran ayaa sannadkii 2023 Ruushka ka dalbatay 50 diyaaradood oo nooca Su-35 ee laba matoorlaha ah, laakiin Ruushka ka heshay 4 Su-35 oo kaliya.
Iran oo u diyaargaroobaysa wareegii labaad ee dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ayaa wareeggii koowaad laga dareemay daciif weyn oo dhanka hawada sare iyo waliba lidka diyaaradaha.
> Daljir Media


COMMENTS