Iran oo Shaacisay in ay Sirta Nukliyeerka Israa’iil & Goobaha ay kala Yaaliin ay Gacanta ku Hayso Hawgal Sirdoon oo Baaxad leh Kabacdi

Iran oo Shaacisay in ay Sirta Nukliyeerka Israa’iil & Goobaha ay kala Yaaliin ay Gacanta ku Hayso Hawgal Sirdoon oo Baaxad leh Kabacdi

Iran oo Shaacisay in ay Sirta Nukliyeerka Israa’iil & Goobaha ay kala Yaaliin ay Gacanta ku Hayso Hawgal Sirdoon oo Baaxad leh Kabacdi

Iran iyo Israa’iil oo uu maanta ka dhexeeyo tartanka ugu weyn ee Bariga Dhexe ayaa mooddaa in Iran ay sannadahaan Israa’iil ka dhalineyso goolal isdabajoog ah. Goolkii ugu danbeeyey ee maanta Iran shaacisay ayaa lagu sheegay in sirdoonka Iran ay hawlgal farsameysan kabacdi gacanta ku dhigeen dukumentiyo xasaasi ah oo la xiriira nukliyeerka Israa’iil, ayna ku jiraan kumannaan faylal ah oo la xiriira nooca, goobaha, iyo sirta nukliyeerka Israa’iil.

Sida aan ka soo xiganay warbaahinta Iran ee IRIB, xogta ayaa ka kooban sawirro, muuqaallo, iyo faylal lagu sheegay in ay u baahanyihiin waqti badan si loo kala shaandheeyo, badankooduna la xiriira sirta nukliyeerka Israa’iil ee aan innaba la shaacin, hay’dda nukliyeerka adduunka ee ‘International Atomic Energy Agency IAEA’ iyo dawladda Mareykanka ee nukliyeerka Iran si adag u dabajoogaana aysan marnaba ka hadal.

Iran oo ah dawladda kaliya ee Muslimka ah ee hormar baaxad leh ka samaysay nukliyeerka iyo gantaalada casriga ee xawaaraha dheer ee loo yaqaan ‘hypersonic’ ee aysan Mareykanka iyo Israa’iil midkoodna haysan ayaa hadda dadaal ugu jira sidii Iran looga dhigi lahaa dal nukliyeerka iyo sawaariikhda casriga ka caagan.

Iran oo diiday dalabka jaajuubka ah ee Mareykanka ee Is^raa’iil gadaal ka riixayso ayaa RW Benjamin Netanyahu waxa uu sheegay in Iran la marin doono jidkii Libya horey loo mariyey. Libya, xilliggii Madaxweyne Qaddafi, oo abaabul weyn u gashay dhismaha hubka nukliyeerka ayaa markii danbe aqbashay heshiiskii Mareykanka iyo Yurub ee hub-ka-dhigista nukliyeerka. Waqti yar kabacadi heshiiskii Libya lala galay lama fulin, cunoqabateyntiina lagama qaadin, markii danbena waxaa Libya toos u weeraray NATO, Madaxweyne Qaddafi asna waxaa markii danbe si foolxun loogu dilay goob faagare ah oo waliba faraxumeyn loogu daray.

Libya oo dagaal sokeeye oo daran ka dhacayna waxaa sirdoonka Mareykanka oo kaashanaya kan Israa’iil, Qadar iyo Imaaraadku ay badi hubkii Libya u rareen mucaaradkii Suuriya oo uu markaas madax u ahaa madaxa Daa1cish Suuriya al-Golani, haddana ah madaxweynaha Suuriya, magaciisiina u badalay Axmed al-Shaarica.

Iran oo xasuusan heshiiskii Libya ayaan marnaba ogalayn qorshaha Trump iyo Netanyahu oo labaduba hadda wajahayo xaalado siyaasadeed iyo kuwo milateri oo kala daran.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com