Islan Bashiir iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degmadda Garacad (sawiro)

Islan Bashiir iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degmadda Garacad (sawiro)

Degmada Garacad ee gobolka Mudug waxaa gaaray wafdi isimo ah kuwaasoo uu hogaaminayey Islaan Bashiir Islaan Cabdule Islaan Faarax kana kooban 5 isin oo kamid ah isimada Puntland.

Qado Sharaf loogu samayey degmada ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Gudoomiyaha degmada Axmed Yuusuf Shirwac isagoo kusoo dhaweyey degmada isimada iyo waxgaradka kale ee ku weheliya socdaalkoodan.

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo ka hadlay goobtaasi ayaa dhankiisa shacab uga mahad celiyey soo dhawaynta wanaagsan ee loogu samayey degmada.

Ugu danbayn Islaan Bashiir Islaan Faarax oo ka hadlay gabagabadii munaasibadaasi qado sharafta ah ayaa u mahad celiyey bulshada Garacad qaabka wanaagsan ee ay u soo dhaweeyen wafdiga Isimada iyo waxgarad kale ee la socda waxaana sidoo kale uu si gaar ah ugu mahad celiyey dadkii martiqaadka fidiyey.

maalmo kahor ayaa waxaa degmadda jariiban la gaarsiyeey qalabkii dhismaha Dekadda Garacad, waxaana la filayaa in dhawaan dhismaha iyo shaqadda dekadda Garacad ay bilaabato.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com