Israa’iil oo Askar looga dilay Xadka Lubnaan

Israa’iil oo Askar looga dilay Xadka Lubnaan

In ka badan 10 askari ayaa looga dilay Israa’iil mid ka mid ah iska horimaadyadii ugu cuslaa oo ciidanka Israa’iil iyo Xisbullah saacadihii dambe ee xalay ku dhexmaray xadduudka Lubnaan, xilli ciidanka Israa’iil ay isku dayeen inay gudaha usoo galaan koonfurta Lubnaan.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa’iil waxay ahaayeen kuwa aan kala joogsan tan iyo saakay taa oo suragal ka dhigaysa mid ka mid ah khasaarihii ugu sarreeyay inay la kulmeen ciidanka Israa’iil.

Iska horimaadyada tooska ah ayaa ka dhacay magaalada Al-Adaysah, oo ay iskudayeen saqdii dhexe ee xalay inay ciidanka Israa’iil gudaha u galaan, balse Xisbullah ayaa madaafiic iyo qaraxyo la beegsatay taa oo dib u celisay ciidanka Israa’iil oo meyd iyo dhaawac ah, mar kale waxay isku dayeen inay u soo dhaqaaqaan dhanka magaalada Al-Adissa, si la mid ah ayaa madaafiic looga hortagay ciidanka Israa’iil. Waqti horeba waxaa lagu sheegay dagaalladan soo gaaray saakay kuwii ugu cuslaa tan iyo 2006 oo ay isaga hor imaanayaan Xisbullah iyo Israa’iil.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com