Israa’iil oo ku sii Fideysa Waqooyiga Suuriya, si Lixaad leh u Duqeyneysa Lebanon iyo Xisbullah, Gazana Xannibaad Daran ku soo Rogtay
Haddaba waa Maxay Qorshaha Israa’iil iyo Netanyahu?
Bariga Dhexe waxaa ka socda dagaaladii ugu darnaa abidan, waxaa dagaal sokeeye ka biloowday oo gabi ahaanba burburay dawladdii xoogga lahayd ee Suuriya, waxaa hore loo xasuuqay caawana gaajo, harraad, dawo iyo hoy la’aan qabowga daran ee Gaza bannaanka ama teendhooyinku hoy u yihiin ku dhawaad 2 milyan oo reer Gaza. Dhanka Lebanon iyo garbihii Falastiin waxaa Israa’iil ay jabisay xabbad-joojintii lagu heshiiyey, waxayna duqeyn lixaad leh ka waddaa koonfurta Lebanon. Intaas kaliya ma aha e Israa’iil waxa ay ku goodineysaa in ay dhawaan Iran ku bilaabeyso duqeyn daran oo aan hore loo arag. Haddaba waa maxay qorshaha Israa’iil?
Israa’iil oo aan maalin galinkeed dagaalami karin Mareykanka la’aantiis waxay ay isku hubtaa maalinka dagaal bilooowdo in Ameerika ay qalad iyo saxba la safan doonto, laakiin taariikhda markii ugu horreysay Israa’iil waxaa shaki kaga jiraa Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Trump. In kasta oo Trump har iyo habeen la soo taaganyahay in uu barbarka Israa’iil taaganyahay had iyo jeerna u dhoolo-caddeeyo Netanyahu iyo Israa’iil waxa uu caddeeyey mowqif ah in uusan Mareykanka dagaal danbe galin doonin.
Mid labaad ayaa ah in qosolka Trump uu ka danbeeyo aaminaad la’aan asaga iyo Netanyahu. Trump oo aan ahayn nin wax illaawa waxa uu dhowr jeer ku celceliyey in waagii 2020 ee uu dili jiray Jananka aad loo qadariyo ee Iran Qaasim Suleymaani uu qorshahaas lahaa Netanyahu, laakiin markii Mareykanku bilaabay fulinta qorshaha uu Netanyahu yiri, “Anigu kuma jiro oo waa hawl Ameerika u gaar ah.” Trump hawshii waa fuliyey laakiin asaga iyo Netanyahu waa kala dhinteen oo waxaa kaliya oo mar kale lagu saaxibay doorashadii Trump, baahi Trump u qabo codadka reerkaas oo Mareykanka saameyn daran ku leh.
Netanyahu oo intaas og, sida ay qabaan falaanqeeyayaasha siyaasadda Bariga Dhexe, waxa ku jira shaki in Trump uu heshiis hoose la wado Falastiiniyiinta Gaza ee X^amaas iyo waliba Iran. Wararkaas xiriirada hoose ee socda waxaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay daaha ka rogay warbaahinta xiriirka dhow la leh Israa’iil. Netanyahu oo intaas og waxaa loo badinayaa rabitaan ah dab aan la damin karin inuu shido si aan Trump innaba jaanis ugu helin in uu xiriir la yagleelayo labadaas qolo, sidaas darteed waxa uu bilaabay in uu ku sii siqo Suuriya, jabiyo xabbad-joojintii Lebanon, jabiyo heshiiskii Gaza, kuna daro in uu dhawaan weerarayo Iran, wuxuuna intaas sii raaciyey in Mareykanku ka qaybqaadan doono duqeynta Iran.
Maantadaan Israa’iil waxay ku goodisay in haddii dagaalka sokeeye ee Suuriya sii fido ay la wareegi doonto Dimishiq (https://www.npr.org/2025/03/06/nx-s1-5318616/israel-threatens-intervention-in-syrian-capital-damascus-due-to-unrest-there).
Dhanka kale, Iran ayaa bilaahaan oo dhan ku jirta diyaargarow dagaal, warbaahintana ka sheegtay in aysan innaba wax wada hadal ah la furi doonin Trump. Saas oo ay tahay Trump wuxuu sheegay in uu Ruushka ka codsaday in uu noqdo dhexdhexaadiye Iran iyo USA.
Sida garabka midig ee Mareykanka ee ka agdhow Trump, marnana aan raalli ka ahayn in la taageero Israa’iil ay warbaahinta ka sheegayaan, qaylada Trump ee ka dhanka ah Iran iyo Gaza dhab ma aha oo waa mid lagu seexinayo siyaasiyiinta taageera qorshaha Israa’iil. Laakiin taasi waxa ay cirka ku sii shareertay damaca Israa’iil ee ah in ay Bariga Dhexe si toos ah dagaal u galiso oo inta uusan Trump xukunka si fiican ula wareegin ay Israa’iil badi Bariga Dhexe la wareegto.
Dhanka Suuriya oo Trump sheegay in uu isaga baxayo, Israa’iil oo shaki badan ka qabta qorshaha Turkiga waxaa falaanqeeyayaashu sheegayaan in ay rabto in ay sooceliso xiriirkii xummaaday ee Ruushka oo Ruushku saldhiyadiisa Suuriya sii joogo, si aan Turkigu u yeelan saldhigyo ciidamada cirka. Dhanka kale, Israa’iil waxa sii xoojineysaa xiriirka dhow ee ay la leedahay qolyaha Kurdiga si ay ugu dhawaaqaan in qayb Suuriya kamid ah la go’een oo yagleelayaan dowlad cusub oo Kurdish ah. Laakiin Turkiga, Iran iyo Ciraaq midkoodna marnaba ma oggolaan doono dawlad Kurdish oo waxay ula mid tahay Israa’iil oo soo dhex degtay.
Sida Soomaalidu tiraahdo qorshuhu waa Bariga Dhexe, wax walbana cirka ayey ku shareeranyihiin, ogoowna Soomaaliya marnaba kama marnaha qorshaha Israa’iil oo waxaa damac uga jiraa ayada oo kaashaneysa Itoobiya iyo Azerbaijan in ay boos ka hesho Badda Cas, waana sababta ayada oo Mareykanka kaashaneysa Soomaaliya xasilooni loogu diiday, damaca 30kii sano ee la soo dhaafana ahaa in la helo ugu yaraan Soomaali oo saddex ama afar qaybood u kala jajabtay oo markaas mid walba gooni loogu habsado.
> Daljir Media
COMMENTS