Merkava IV Barak tank oo lagu sheegay taangiga ugu bir adag, uguna difaac adag taangiyada adduunka oo 13kii Luulyo xoogagga Qasa ka dhigeen mid aan waxba dhaamin kuwii hore kaddib markii ay asaga oo dhan gubeen iyo 3 askari oo saarnaa. Laba taangi oo noocaas ah ayaa isla maalin ku basbeelay Qasa, ayada oo midna miino Shawaz la kacday, midka kalena baasuuke nooca xoogagga Qasa isticmaalaan oo ayagu sancaysteen.
Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in wareer xoog leh soo foodsaray ciidamadooda ka hawlgala Qasa, wax u fayowna aysan jirin, ha ahaadeen taangiyo ama cagafyo kuwa adduunka ugu culus.
“Cid wax loo sheegi karaa ma jirto iyo cid ku maqlaysa,” hadalkaas waxaa yiri askarta israa’iil mid kamid ah oo ka dagaalamaya Qasa asaga oo ka sheekaynaya xaalkooda, baqdinta jirta, iyo difaac la’aanta haysata.
> Daljir media


COMMENTS