Israa’iil oo sii Balaadhisay Dhulka Suuriya ee ay Xoogga ku soo Gashay,

Israa’iil oo sii Balaadhisay Dhulka Suuriya ee ay Xoogga ku soo Gashay,

Israa’iil oo sii Balaadhisay Dhulka Suuriya ee ay Xoogga ku soo Gashay, Asteysana Waxa ay ugu Yeertay ‘Goobaha Ammaanka’

Sida aan ka soo xiganay wargaysa Haaretz, Ciidamada Israa’iil (IDF) ayaa isku diyaarinaya in ay qabsadaan dhul horleh oo Suuriya, ayaga oo dhisanaya fadhiisimo milatari oo sida ay sheegeen ka caaggan ciidamada Suuriya, masaafo dhan illaa iyo 65km (40-mile) oo aagga buuraha Golan Heights illaa iyo As-Suwayda.

Dhanka bulshada, Israa’iil ay wadda qorshe ay ku sii kala fogeyneyso bulshada Suuriya oo dagaal sokeeye harqiyey ayada oo ruqsado shaqo siineysa boqollaal qowmiyadda Duruusta si ay uga shaqaystaan Israa’iil. Tallaabadaas ayaa lagu macneeyey mid Israa’iil ay uga danleeyahay kala qaybin bulshada Suuriya.

Israa’iil waxaa kale oo si maalinle ah ay weli u waddaa duqeymaha dhanka cirka ah si ay u wiiqdo awoodda dowladda cusub ee Suuriya oo maalin kahor heshiis la saxiixatay mucaaradka SDF ee ka taliya qaybo Aleppo, Hasakah, Raqqa iyo Deir ez-Zor. Heshiiska SDF ayaa lagu macneeyey mid suurtagalinaya in dawladda cusub ee Suuriya ee Turkiga iyo waliba waddamada Khaliijka Carabtu taageeraan ay yeelato caga dhab oo ay ku istaagto, kuna ballaariso awoodeeda maamul.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com