Israa’iil oo wajahayday xaalad daran oo ka daran kuwii hore

Israa’iil oo wajahayday xaalad daran oo ka daran kuwii hore

Maraykanka oo Yaman la heshiiyey Israa’iilna meel cidla ah uga dhaqaaqay

Taariikhda markii ugu horraysay waxaa isa soo taraya wararka la xiriira heshiiska ay wada gaareen Mareykanka iyo Yaman iyo Israa’iil oo aan heshiiska lala socodsiin. Heshiiska ayaa dhigaya in Yaman ay joojiso gantaalada ay la beegsato maraakiibta Mareykanka, Mareykankankuna uusan duqeyn danbe u gaysan doonin Yaman. Heshiiska ayaa si dahsoon u oggolaanaya in wixii intaas ka baxsan ay tahay hawl u taal Yaman. Joornaalada adduunka ayaa qoraya in jabkani yahay kii ugu darnaa ee soo gaara ciidamada Mareykanka, kana daran kii ka soo gaaray Afqanistaan

Trump oo hore ugu dhaartay in uu Yaman dhulka la simi doono ayaa hadda la sheegay in uu Yaman baryo la hortagay, kana sii daran e uusan heshiiska waxba ka ogaysiin Israa’iil.

Israa’iil ayaa hadda wajahaysa xaalad cusub oo ka daran kuwii hore, ayada oo hore badi dekedaheedu u xirmeen ayaa haatan waxaa ugu darsamay Yaman oo hawadana ka xirtay, bannadeyna garoomadii waaweynaa, sida kan Talabiib ee Ben Gurion.

Trump oo 13ka illaa 16ka bishaan May bilaabaya safaro Khaliijka oo kala ah Sucuudiga, Imaaraadka iyo Qadar, ayaan cag dhigi doonin Talabiib. Warar hoose oo ka soo baxaya Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in uu aad u xumaaday xiriirka u dhexeeya Trump iyo Netanyahu, oo Trump ka daalay codsiga Netanyahu ee ah in degdeg loo weeraro Iran. Laakiin Mareykanka oo Yaman ku quustay ayaan haatan tabar u hayn Iran, sidaas darteedna la sheegayaa in uu Netanyahu dhabarka u jeediyey.

Daljir kala soco wararkii ugu danbeeyey ee Bariga Dhexe iyo Yaman oo xiratay Badda Cas haatana ku dartay hawada Is>raaiil.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com