ISRAA’IIL OO XALAY JAB, BA’ IYO HOOG KALA KULANTAY XAAFADDA AL-ZAYTUUN EE QASA

ISRAA’IIL OO XALAY JAB, BA’ IYO HOOG KALA KULANTAY XAAFADDA AL-ZAYTUUN EE QASA

Sida ay qorayaan wargeysyada Israa’iil waxaa xalay ciidamada Israa’iil soo gaaray jab kii ugu darnaa tan iyo weerarkii 7dii Aktoobar ee 2023. Dhimashada iyo dhaawaca ka sokoow, Israa’iil waxay sheegtay in la la’yahay 4 askari, meesha dagaalamaayasha Falastiin ay sheegteen in ay gacanta ku hayaan askarta la la’yahay.

Israa’iil oo isu diyaarinaysay weerar ba’an oo ay tiri waxay kula wareegi doonaan Qasa ayaa kahor intii aysan weerarka soo qaadin waxaa lagu qaaday weerar ba’an. Diyaaradaha meydka iyo dhaawaca qaada ayaa la sheegay in ay xalay oo dhan ku jireen daadgureynta dhaawaca iyo meydadka ciidamada Israa’iil.

Daljir isha ku hay si aas ula socoto wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka Qasa.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com