Isra’iil iyo Suuriya oo isu soo dhawaanaya si wadajir ahna uga hortagayo saameynta Iran
Warbaahinta Israa’iil ee maalinlaha ee ‘Israel Hayom’ oo la hadashay La-taliyaha Amniga Netanyahu ee magaciisu yahayTzachi Hanegbi ayaa xaqiijiyay in kulan albaabadu u xiranyihiin oo uu la yeeshay Guddiga Arrimaha Dibedda iyo Difaaca ee Barlamaanka Knesset-ka, uu ku wargaliyey in Israa’iil ay si toos ah oo waliba maalinle ah ula xiriirto dowladda cusub ee Suuriya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed al-Sharaa. Hanegbi waxa uu warbaahinta u sheegay in “labada dhinac ay si joogto ah uga wada shaqeeyaan amniga iyo isfahamka siyaasadeed, taas oo hadda ah xiriir ka duwan kii hore ee ahaa xiriir dadban.” Hangebi ayaa intaas ku daray in Israa’iil iyo Suuriya ay hadda si toos uga wada shaqeeyaan kahortagga Iran. Wuxuu kale oo intaas ku daray in Israa’iil ay hadda si toos ah uga hawlgasho gudaha Suuriya si ay u kala dhantaasho kooxaha xiriirka la leh Iran.
Madaxweyne Al-Golani ayaa hore u ahaa madaxda Daac!sh Suuriya, IS^SAS-na la aasaasay AbuB^akar al-Baq^daadi, hanashada xukunka Suuriyana waxa uu hantay asaga oo gacan lixaad leh ka helaya Turkiga, Israa’iil, Qadar, iyo Ameerika.
Hawlgalka Timber Sycamore (xiriiriyaha ka arag qaybta falceliska bulshada) oo bilowday sannadkii 2012, ahaana hawlgalkii ugu qaalisanaa abidan ee Mareykanku fuliyo marka laga reebo kii Afghanistan ee ‘Operation Cyclone’ oo CIA-du ay maalgalisay mujaahidiintii Afqanistaan xilligii Midowga Soofiyeetka oo uu qayb ka ahaa Cusama bin Laden, ayaa suurtagaliyey iyo argagixisada Daac!sh la wareegto Suuriya.
> Daljir Media


COMMENTS