Gole ay ku midaysanyihiin aqoonyahanno reer Puntland ah oo magaciisa loo soo gaabiyo (PCT), ayaa baaq ka soosaaray khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo madaxweyne kuxigeenka Axmed Cilmi Cismaan ‘Axmed Karaash’.
Baaqaasi golaha ayaa dalbaya in si degdeg ah xal loogu helo khilaafkaasi, siiba madaxweynaha iyo kuxigeenku si hoose u dhammeeyaan khilaafka dhaxdooda ah, si loo dhawro nidaamka dawladnimo, midnimada iyo wadajir dadka iyo deegaannada Puntland.
Maxamed Baldho, wuxuu ka mid yahay golahaasi aqoonyahanno ee Puntland, ahna golaha soosaaray shalay baaqa xal-u-helka ee khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka Puntland.
Wareysi uu siiyey Radio Daljir ayuu uga hadlay baaqa ay soosaareen iyo barnaamijka gole ahaan ay u dhisanyihiin.
Hoos ka daawo Waraysiga.
COMMENTS