Itoobiya iyo Aratariya oo Dagaal Qarka u Saaran & Soomaaliya oo Weli Khatar Wajaheysa

Itoobiya iyo Aratariya oo Dagaal Qarka u Saaran & Soomaaliya oo Weli Khatar Wajaheysa

Xaaladda Itoobiya, ha ahaato dagaal sokeye oo gudaha ama hanjabaadaha ay ku hayso badaha waddamada dariska la ah, ayaa u muuqata mid meel halis ah maraysa, mana aha mid khusaysa shacabka Itoobiya oo keliya, bal se waa mid looga baqayo in uu gobolka oo dhan ku faafo.

Marka laga tago dagaalada sokeeye, siiba kuwa deegaanada Axmaarada iyo Oromada, iyo waliba xaaladaha cakiran ee ka taagan deegaanka Tigreega, Itoobiya waxa ay wajahaysaa dhaqaale-xumo iyo macaluul daran oo gaartay badi dalka. Waxaa intaas u sii dheer lix arrimood oo walaac xooggan ku abuuray bulshada caalamka, una baahan in xal degdeg ah lagu maareeyo inta ayna faraha ka wada bixin:

  1. Itoobiya waxay hoy siiyey soona dhowaysay kooxo hubaysan oo ay u diyaarisay inay dagaalo ka furaan gudaha Aratariya, waxayna xafiisyo iyo xarumo uga furtay Addis Ababa iyo Samara, caasimadda Deegaanka Canfarta. Kooxahaas waxaa maamula oo ay ka amarqaataan madaxda Ciidanka Itoobiya (ENDF) iyo kuwa ammaanka ee Deegaanka Canfarta. Ujeedka ciidamadaan ayaa ah inay qayb ka noqdaan qorshaha Itoobiya ay ku damacsantahay in ay ku qabsato magaalo xeebeedka Badda Cas ee Casab. Kooxahaas waxaa kale oo lagu sii xoojinayaa malayshiyaadka Canfarta iyo kuwa Oromada ee loo yaqaan “Liyu Police.”
  2. Qaybo badan oo dalka Itoobiya ayaa haatan ka maqan gacanta dowladda, iyadoo dowladdu ay dagaal kula jirto shacabkeeda, adeegsanaysana diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Darooniska, taas oo dadka qaarki ku sheegeen xasuuq shacab oo aan loo meel-dayin, isla markaana ay ku burburisay kaabayaasha aasaasiga ah iyo hanti guud oo mug leh iyo waliba hanti gaar loo leeyahay. Marka laga reebo Deegaanka Soomaalida, dhammaan deegaanada kale ee dalka, khaasatan Axmaarada, Oromada, Galbeedka iyo Tigreega, waxaa ka socda dagaalo hubaysan, kumana jiraan gacanta Addis Ababa iyo tan maamulka Oromada ee OPDO. Waxaa jira dad u badan hantiilayaal iyo ganacsato oo ka soo qaxay colaadaha ka jira deegaankooda, siiba deegaanada Oromada iyo Axmaarada, kuna sugan deegaanka Soomaalida, siiba Jigjiga & Diredhabo.
    3. Intaas oo qalalaase ee maanta jira Itoobiya, haddana waxaa jira malaayiin qof oo barakacayaal ah (Internally Displaced People IDPs) oo hoy iyo cunno la’aan ah, oo ka sugaya Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Bulshada Caalamka gargaar Bini’aadantinimo.
    4. Todobaadkii la soo dhaafay wuxuu Abiye Axmad daahfuray warshad sanceysa noocyo kaladuwan oo ah gaadiidka iyo hubka dagaalka, waxaana kamid ah warshadda “SkyWin Aeronautics Industries” oo ah shirkad samaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ee loo isticmaalo arrimaha ciidamada iyo dagaalka. Furitaanka warshaddaan ayaa lagu macneeyay farriin dagaal oo ku socota dalalka dariska, khaasatan Aratariya, Suudaan, Kenya, Jabuuti iyo waliba Soomaaliya.
    5. Ururka Xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF oo qoraal soo saaray, warbaahintana waraysiyo siiyay ayaa sheegay inay dib uga fikirayaan heshiiskii burburay (Heshiiskii Asmara 2018) oo ahaa miday Itoobiya codsatay ayna dhexdhexaadiyeen dalalka Kenya iyo Aratariya. Wadahadalada oo socday in ka badan 6 sano, waxaa dhaqaale iyo khubaraba ku taageerayey hay’ad Ingiriis ah iyo dowladda Ingiriiska. Qoraalka ONLF ayaa walwal iyo walaac xoogan ku dhaliyey bulshada caalamka iyo waddamada daneeya nabadda iyo daganaanshaha Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
    6. Todobaadkii la soo dhaafay Kornayl Birhanu Jula oo ah Abbaanduulaha Ciidanka Itoobiya ayaa warbaahinta rasmiga ah ee dawladda u sheegay, “Waa arrin waqtigeedii yimid in aan ka mid noqono bulshada Badda Cas.” Hadalkaa ayaa Aratariya u qaadatay ku dhawaaqid dagaal, waxayna heeggan sare galisay dhammaan ciidankeeda.

Aratariya ayaa si gooni ah qodabada 1aad, 4aad iyo 6aad ugu aragta khatar culus oo ku soo fool leh, waxayna gashay heeggan iyo diyaargarow dagaal kii ugu dambeeyey. Falaanqeeyayaasha siyaasadda Badda Cas ayaan ammuurahaan ku macneynaya mid waddamo gooni ahi ay Itoobiya ku riixayaan in ay degdeg dagaal u gasho inta adduuku ku mashquulsanyahay Gaza iyo Ukraine. Waddamada Itoobiya ku taageeraya dagaalka Itoobiya ayaa si gooni ah u xiiseynaya marin-biyoodka iyo Dekedda Cassab ee Badda Cas oo si toos ah ugu beegan Yemen iyo marinka muhiimka ah ee Bab-el-Mandab.

Dhanka Arateriya ayaa la sheegayaa in ay arrinkaan u aragto fursad cusub oo ay Itoobiya ku kala dirto dawlad ahaan. Laakiin Abiy Axmad ayaa asna aan qarsan oo weli ku adkaysanaya sida ay lagamamaarmaan u tahay in uu xoog ama xeelad ku helo marin-Biyood Badda Cas oo Itoobiya leedahay.

Abiy Axmed oo ah nin aan la saadaalin karin waa suurtagal in uu Soomaaliya maanka ku hayo oo Cassab ay boor-isku-qaris u tahay, welina uu u haqaltaagayo heshiiskii isfahamka ahaa ee uu la saxiixday Muuse Bixi iyo Somaliland.

Haddaba maxaa Soomaali iyo Madaxweyne Xasan Shiikh u qorshe ah haddii hal maalin uu Abiy Axmed udbihiisa u soo rarto Saylac iyo Lughaya?

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com