Itoobiya oo laga helay kiisas cusub oo COVID-19

Itoobiya oo laga helay kiisas cusub oo COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee Cudurka Coronavirus oo maalin gudaheed laga helo Gudaha dalkaas.

War ka soo baxay Wasaaradda waxaa lagu sheegay in dad looga shakiyey Cudurka ee baaritaan lagu sameeyey Cudurka COVID-19 laga helay 17 ruux.

Dadka Cudurkaan laga diiwaangeliyay maanta ayaa waxaa la sheegay inay ku noolyihiin deegaannada Canfarta iyo Soomaalida.

Caasimada Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ee magaalada jigjiga ayaa laga helay todoba kamid ah oo ah dadkii ku xaraysnaa Jaamaca Jigjiga (Jijiga University). Dadkan jaamacada ku xaraysan ayaa dhawaan ka yimiday gobolada dariska ah sida Kenya iyo Puntland iyo Somaliland.

Kiisaska Cusub ee Coronavirus ee maanta laga diiwaangeliyay Itoobiya ayaa tirada Guud ee dalkaasi laga helay waxaa ay boqoneysaa 162 ruux.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com