Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay lixdan iyo sadex sarkaal oo katirsan militariga iyo sirdoonka wadankaasi oo lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo kutumashada xuquuqda banii’aadamka.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Itoobiya Berhanu Tsegaye ayaa sheegay dadkan in laga qabtay caasimadda iyo magaalooyin ka baxsan, lana horkeeni doono maxkamad.
27- ka mid ah saraakiisha ayaa loo haystaa muquqmaasuq , halka 36 kallena loo haysto inay galeen xadgudubyo ka baxsan xuquuda aadanaha.
Itoobiya ayaa waxaa kadhacay isbadal siyaasadeed kaasi oo saamayn ku yeeshay dowladaha Geeska Afrika.
COMMENTS