Itoobiya: oo 82 Xubnood oo ka tirsan IS ah oo Qorshe Qaraxyo damacsana Qabtay

Itoobiya: oo 82 Xubnood oo ka tirsan IS ah oo Qorshe Qaraxyo damacsana Qabtay

DEG DEG | Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa sheegtay in 82 xubnood oo ka tirsan kooxda ISIS (IS) la qabtay, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen howlgallo qaraxyo ah iyo xasilooni-darro gudaha Itoobiya.

Xubnaha ayaa ka tirsanaa faraca IS ee ka howlgala Puntland (Soomaaliya).

Waxaa la ogaaday in IS ay ku howlan tahay ballaadhinta shabakadooda gudaha Itoobiya iyo samaynta saldhigyo qarsoon oo lagu abaabulo kooxo cusub.

Hay’addu waxay sheegtay in la helay xog iyo caddeymo muujinaya isku xidhnaanta xubnahan iyo shabakado caalami ah oo dhanka sirdoonka, maaliyadda iyo saadka ah.

Xubnahan ayaa lagu qabtay kaddib markii ay tababar ku qaateen Puntland, kadibna loo diray magaalooyin badan oo Itoobiya ah.

Goobaha lagu qabtay waxaa ka mid ah: Addis Ababa, Sheger, Adama, Shashamane, Harar, Bale, Jimma, Shaakiso, Jigjiga, Shawe, Silte, Halaba, qulito, Kamise

> Daljir media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com