Itoobiya oo edeyn u jeedisay Hay’adaha gargaarka

Itoobiya oo edeyn u jeedisay Hay’adaha gargaarka

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah hay’adaha ka howlgala gobolka Tigraay inay isku dayayaan inay hub si sharci darro ah ku geliyaan gobolkaas.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay ka walaacsan tahay olole ka dhan ah sida ay ula tacaaleyso xaaladda gobolka Tigraay.

Demeke ayaa ugu baaqay shakhsiyaadka iyo saaxibada beesha caalamka inay faraha kala baxaan arrimaha gudaha Itoobiya.

“Waa wax aad looga walaaco in qaar kamid ah xubnaha beesha caalamka ay bilaabeen olole ay ku wiiqayaan midnimada, madaxbanaanida iyo isku duubnimada iyagoo ku marmarsiinyo ka dhiganayo inay wadaan gargaar banii’aadanimo”

Wuxuu intaas ku daray “Itoobiya waxay heysaa caddeymo muujinaya inay isku dayayeen in hub si sharci darro ah ay ku siiyaan kooxaha argagixisada ah iyagoo ku marmarsiiyoonayo gargaar banii’aadanimo, arrintaasina lama aqbali doono”

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale sheegay dowladda Itoobiya inay ka go’antahay inay la shaqeyso beesha caalamka si wax looga qabto dhibaatada banii’aadanimo ee ka taagan Tigray.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com