Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia waxay sheegtay in si “khaldan oo aan la aqbali karin boggeeda loogu daabacay sawirka khariiradda Afrika” oo muujinaya Soomaaliya iyo Ethiopia oo la isku daray.
Waxay sheegtay inay markiiba ka saareen sawirkaas. Kooxda farsamada IT-ga ayaa baareysa ayey sii raacisay wasaaraddu.
“Waxaanu ka shaleyneynaa jah-wareerka iyo fahamka khaldan ee ay arrintan dhalisay,” ayey wasaaraddu warkeeda ku soo gabagabeysay.
Sawirka khaariirada Afrika oo la soo saaray Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibada Itoobiya ayaa muujinaya in dal gooni ah uu yahay Maamulka Soomaaliland halka Soomaaliya laga dhigay dalka ka mid ah dowladda Itoobiya.
COMMENTS