Itoobiya oo walaac ka muujisay in Ciidanka ATMIS laga saaro Soomaaliya

Itoobiya oo walaac ka muujisay in Ciidanka ATMIS laga saaro Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya Atske-Selassie ayaa xafiiskiisa Magaalada Addis Ababa ku qaabilay danjire Mike Hammer oo ah ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha nabadda iyo ammaanka Geeska Afrika.

Wasiir Taye waxa uu carrabka ku adkeeyay walaaca Itoobiya ee ku aaddan bixitaanka ATMIS ka dib, iyo dadaalka ay Itoobiya sii waddo ee lagu dejinayo xiisadda gobolka. waa hadal cabasho iyo cabsi wayn ka muuqato

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen xaalada ka taagan gobolka Tigray. Danjire Taye ayaa muujiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay in si buuxda loo fuliyo heshiiskii nabada ee Pretoria wuxuu carabka ku adkeeyay innay walaac ka qabaan dhaqdhaqaaqa TPLF ay wado

Taye oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in dib loo soo celiyo maqaamkii ay Itoobiya ku lahayd sharciga kobaca iyo fursadaha Afrika (AGOA). Ee dawladda federaalku cuna qabataynta kasaartay Itoobiya

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com