Zambia: Jaaliyada Soomaaliyeed oo qorshaynaya dib u dhiska safaaraddii Soomaaliya ee Zambia

Zambia: Jaaliyada Soomaaliyeed oo qorshaynaya dib u dhiska safaaraddii Soomaaliya ee Zambia

Wixii ka dambeeyey markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalkaasi Zambia u magacowday safiir cusub oo ah Marwo Xaawo Maxamed Xasan,waxaa bilowday dadaalo ku aaddan sidii loo horumarin lahaa xiriirka dhanka diplomaasiyadda ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Zambia ayaa soo dhaweyn ballaaran u sameeyey Danjiraha Soomaaliya ee dalkaasi Amb Xaawo Maxamed Xasan,iyagoo xusay in kala qeyb qaadan doonaan sidii loo abuuri lahaa mashaariic lagu dhisayo safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Wadatashi dheer oo dhex marey Safiirka Safaaradda  Soomaalia ee dalkaasi, Guddoonka Jaaliyadda, Culimaa’udiinka, Ganacsatada,dhalinyada iyo Hooyooyinka, waxaa la sameeyay gudiyo ka shaqeynaaya sidii masruucan loo dedejin lahaa, loogana mira dhali lahaa.

Jaaliyadda oo inta badan ka ganacsata wadankaas, aadna u firfircoon kana muuqda, marka loo eego dadka ajnabiga ah ee ku nool wadanka Zambia,Jaaliyadda waxay u sheegeen safiirkooda Cusub in ey diyaar u yihiin in ey la shaqeeyaan, garabna ku siiyaan wax walba oo lagu soo celinayo sharafta iyo gobonimada qaranka Soomaaliyeed.

gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Zambia Maxamed Maxamuud oo loo yaqaano Hiiraan ayaa Radio Daljir u waramay.

Safaarada Zambia

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Zambia ayaa abaabul ugu jira sidii ay dib u habeyn ugu sameyn lahaayeen Safaardda Soomaaliya ee dalkaasi gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Zambia Maxamed Maxamuud oo loo yaqaano Hiiraan ayaa Radio Daljir u waramay.

Posted by Radio Daljir on Saturday, December 28, 2019

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com