Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) oo Digniin u Dirtay Dawladda Itoobiya kuna Eedeysay in ay Dumisay Heshiis Nabadeedkii 2018
Warsaxaafadeed kulul oo ka soo baxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa Itoobiya ku eedeysay ballankabax iyo caburin qowmiyadaha Itoobiya, siiba Soomaalida. Jabhadda ayaa maamulka Jigjiga ee Dawladda Deegaanka ku tilmaantay in uu yahay mid Addis Ababa u isticmaasho caburinta dadka Soomaaliyeed oo aan innaba matalin rabitaanka Soomaalida.
Jabhadda oo dawladda Itoobiya ku tilmaantay mid aan ballan iyo heshiis toona lala gali karin ayaa sheegtay in ay baadigoob ugu jirto sidii dadka Soomaaliyeed uga tashan lahaayeen aayahooda.
> Daljir Media
COMMENTS