Janaraal Cabduraxmaan Tiani oo loo doortay Madaxweynaha Niger shanta sano ee soo socota

Janaraal Cabduraxmaan Tiani oo loo doortay Madaxweynaha Niger shanta sano ee soo socota

Guddiga Badbaadada Qaranka Niger ayaa go’aamiyey in Cabdiraxmaan Tiani uu noqdo madaxweynaha dalka shanta sano ee soo socota. Guddiga ayaa mamnuucay xisbiyada tirada badan ee dalka, ayada oo lagu eedeeyey in ay wada yihiin shisheeye-kalkaal aan danta dalka iyo dadka Niger marnaba u adeegin.

Tiani ayaa bishii Luulyo 2023 afgambiyey madaxweyne Maxamed Bazuum oo lagu eedeeyey in uu dalka maamule uga ahaa Faransiiska oo uusan dan ka lahayn tan dalka iyo dadkiisa.

Wadamada Saaxilka ee Niger, Mali iyo Burkina Faso ayaa dhammaan waxaa la wareegay milatariga dalka, waxayna isla markiiba dalalkooda ka cayriyeen ciidamadii Faransiiska oo lagu eedeeyey in ay gacansaar la lahaayeen ISIS-ta Saaxilka. Waxaa kale oo ay xireen dhammaan saldhigyadii militari ee Mareykanka iyo Faransiiska. Mareykanka ayaa Niger ku lahaa labo saldhig ciidan oo kala ahaa Air Base 101 iyo Air Base 102. Air Base 102 ayaa lagu sheegay in uu ahaa saldhig ciidan cir kii ugu weynaa ee abid Mareykanku dhiso, looguna talagalay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Dhammaan saldhigyadii shisheeye ayaa hadda wada haawanaya.

Dalalka Saaxilka ayaa sidii ay u xireyn saldhigyada ciidamada shisheeye waxa ay guulo waaweyn ka gaareen la dagaalanka argagixisada ISIS. Waxaa kale oo ay yagleeleen konfadareeshanka dalalka Saaxilka oo saddexda dal ay ku midoobeen (AES).

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com