Janaraal Goita Assimi oo loo Doortay Madaxweynaha Mali 5-ta Sano ee soo Socota
Shir qaran oo siyaasadeed oo shalay ka dhacay magaalo madaxda Mali Bamako ayaa waxaa ka soo baxay qodobada soo socda:
1. Waxaa la kala diray dhammaan xisbiyada siyaasadeed ee dalka oo lagu qiyaasay in ka badan 300 oo xisbi oo mid kasta sida wararku sheegayaan taageero ka heli jiray dalal shisheeye
2. Waxaa Janaraal Goita Assimi loo doortay madaxweynaha dalka 5-ta sano ee soo socota
Dalalka Saaxilka ee Mali, Niger iyo Burkina Faso ee galbeedka Afrika ayaa waxaa ka curtay kacaan yididiilo galiyey Afrika, ayaga oo dalalkooda ka saaray dhammaan ciidamadii reer Galbeedka, siiba kuwii Faransiiska iyo Mareykanka, oo dalka u joogay, sida ay sheegeen, in ay ka caawiyaan la dagaalanka argagixisada Daacish ee Saaxilka.
Saddexda dal ayaa abuuray isbahaysi ay ugu magacdareen “Isbahaysiga Dalalka Saaxilka (AES),” oo haddana qarameeyey dhammaan khayraadka dalalkooda oo hore ay shirkado reer galbeedku leeyihiin si bilaash u guran jireen ayaga oo laalushi jiray madaxdii hore ee dalalkaas.
Si looga hortago kacaanka ka curtay Saaxilka, Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore waxaa 15 jeer la isku dayey in la dilo, dhammaantoodna waa la fashiliyey. Madaxweyne Ibraahim Traore ayaa hadda noqday madaxweynaha ugu magac dheer Afrika, asaga oo lala simayo hoggaamiyayaal ay reer galbeedku hore u dileen oo ay kamidyihiin Patrice Lumumba (Kongo), Thomas Sankara (Burkina Faso), iyo Qaddafi (Libya). Dilkii hoggaamiyayaashaas waxay sababeen in dalalkaas ay illaa iyo hadda ka soo kaban la’yihiin qalalaasaha sida kutalagalka ah loo galiyey, dalka kaliya ee markale helay hoggaamiye badbaadinayana waa Burkina Faso, laakiin asna, waa Ibraahim Traore, waxaa isla markiiba la saaray diiradda reer Galbeedka.
> Daljir Media
COMMENTS