Jarmalka oo ku dhawaaqay tallaabo adag ka dib qorshihii isku dayga afgambi

Jarmalka oo ku dhawaaqay tallaabo adag ka dib qorshihii isku dayga afgambi

Jarmalka ayaa adkeeynaya sharciga hubka ka dib isku daygii la tuhunsanaa ee ahaa in xagjiriinta midigta-fog ay ku afgamin rabeen dawladda.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in dalka uu ku qasban yahay in uu soo rogo cadaadis la xiriirasidii hubka loo xakameyn lahaa.

Booliiska Jarmalka ayaa Arbacadii la soo dhaafay howlgal ka dhacay dalka Jarmalka ku soo qabatay 25 qof, oo loogga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha midigta fog, kuwaas oo qorsheynayey in ay afgambiyaan dowlada Jarmalka.

Illaa 130 guri ayaa la baaray, waxayna guutooyinka gaarka ee sameeyey howlgalkan ay beegsadeen kooxaha qaba xukunadii waayadii hore ka jiray Jarmalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com