“Ma oggolaan doonno nabad lagu soo rogo Ukraine,” sidaas waxaa yiri Mertz, Hoggaamiyaha (Chancellor) cusub ee Jarmalka.
Saan kal hore soo warinay, Yurub waxay isu diyaarineysaa dagaal ka dhan ah Ruushka, dagaalka ayaana lagu sababeynaa in uu yahay mid ay ka danbeeyaan bangiyada reer Galbeedka oo dhaqaale darro iyo khayraad la’aan ay si degdeg ah u soo wajahday qaaradda. Yurub oo awal khayraadka ka daldalan jirtay Galbeed Afrika, siiba Burkina Faso, Niger iyo Mali, hadda waa laga cayriyey waddamada Saaxilka, rajadii Ukraine oo ahayd dambiisha cuntada Yurub iyo qorshihii khayraadka Ruushka oo sannado la qorsheynayey asna waxba kama suurtoobin.
Qorshayaashaas khasaaraha badan ee isbiirsaday, madaxda Midowga Yurub ayana ku celceliyeen, sida la qiyaasayo ma fursan doonto dagaal oo xataa isbitaalada Yurub waxaa loo sheegay in ay dagaal u diyaargaroobaan. Laakiin Yurub aan Mareykan la socon kaligeed dagaal ma ku qaadi kartaa Ruushka?
Waddamada tunweynta Yurub iyo waliba Kanada badi waxaa haatan xukuma rag madax ka soo ahaa bangiyada reer Galbeedka. Tusaale, Mertz, hoggaamiyaha cusub ee Jarmalku wuxuu ahaan jiray madaxa BlackRock. Carney oo hadda loo doortay PM-ka Kanada wuxuu ahaan jiray Madaxa Bank of England. Macron, Madaxweynaha Faransiiska meesha kaliya oo uu ka shaqeyn jiray waa Rothschild Bank Paris. RW Keir Starmer-ka Ingiriiska laftigiisu kama foga bangiyada oo wuxuu ahaa dhanka shuruucda asaga oo lagu eedeeyo in uu il gaar ah u lahaa eedaysanayaal uu ka cafiyey dambiyo lagula kacay carruurta oo aynaan halkan ku sheegi karin.
Dhammaan madaxdaas ayaa hadda lagu eedaynayaa in ay yihiin ragga diyaarinayaa Dagaalkii III-aad ee adduunka oo markale la leeyahay waxba kama duwanaan doono I-aad iyo II-aad oo hore ayagana bangiyadu u qorsheeyeen.
Dagaalada iyo dhaqaale xumida soo fooleh ayaa la qiyaasayaa in ay saameyn daran ku yeeshaan Afrika, siiba Soomaaliya. Falaanqeeyayaasha siyaasadda adduunka ayaa qaarkood hadda saadaalinayaa in Soomaaliya loo gacangalin doono argagixisada si khayraadka dalka si fudud loola wareego, si lamid ah sida Suuriya loogala wareegay dhulkii shidaalka iyo kii beeraha, oo dhammaantood hadda ku jira gacanta ciidamada Mareykanka, lacagtooduna si toos ah ugu dhacdo khasnadda Mareykanka.
Meelaha hadda isha lagu hayo marka laga reebo Soomaaliya waa Burkina Faso oo madaxweyne Ibraahim Traore uu ka badbaaday iskudaygii 15-aad, haatana Mareykanku ku eedaynayo in uu dadkiisa cabburiyo, una baahanyahay in laga dulqaado Burkina Faso.
Dalka Burkina Faso waxay gacantaha gumeystaha Faransiiska ku jirtay tan iyo sannadkii 1896. Dhammaan dahabka iyo macdanta dalka waxaa guran jiray Faransiiska iyo reer galbeedka. Tan iyo markii Traore la wareegay talada dalka, waa markii ugu horraysay oo macdanta dalku ay ku wareegto gacanta dawladda, gumeystaha Faransiiskana laga cayrsho dalka.
Mareykanka ayaa haatan ka biyodiiday qorshaha dhaqaale ee Burkina Faso, rabana in uu markale khayraadka dalka u gacangaliyo kambaniyada reer galbeedka. Mareykanka ayaa ciidamo horleh keenay Algeria, Ivory Coast, Senegal, iyo Mauritania, waxaana heeggan ku jira ciidamada Burkina Faso iyo dhammaan kuwa fadareeshinka waddamada Saaxilka.
Madaxda Soomaaliya ayaa ayagu weli ka dhacsan xaaladda adduunka, waxaana ugu danbeeyey Madaxweynaha Soomaaliya oo Xuutiyiinta Yaman ku eedeeyey in ay xiriir la leeyihiin aragagixisada Daacish iyo AS, meesha Xuutiyiintu leeyihiin kuwaa waa cadowgayaga oo midna Ingiriiskuu hoostagaa, midna Mareykanka iyo Talabiib. Xutiiyiinta ayaa dagaal adag haatan kula jira Mareykanka iyo Ingiriiska, laakiin dagaalkaas Mareykanku weli kama keenin wax guul ah, Yaman ayaana haatan sheegtay in Mareykanka iyo Ingiriiska oo kaashanaya Imaaraadka iyo Sacuudiga ay haatan ciidamo ku aruursanayaan Cadan iyo koonfurta Yaman, waxayna sheegeen in ciidamadaas yihiin aragagixisada AQ iyo kuwo horleh oo laga keenay Suuriya. Ciidamadaas la aruurshay ayaa la sheegay, ayaga oo difaac ka helaya dayuuradaha Mareykanka, ay weerari doonaan Sanca iyo Xudeyda.
Horta madaxda Soomaalidu ma ay taqaan meesha laga haysto?
Daljir kala soco wararkii ugu danbeeyey ee adduunka iyo saamenlyntooda Soomaaliya.
> Daljir Media
COMMENTS