Jigjiga, jidadka jajaban, biyaha fadhiya & baaqa shacabka

Jigjiga, jidadka jajaban, biyaha fadhiya & baaqa shacabka

Shacabka 20ka xafadood ee Jigjiga, siiba xaafadda 1aad ee magaalada Jigjiga ayaa aad uga cabanaya jid xumi baahsan oo ka jirta magaalada iyo xafadaheeda kala duwan, sababtayna in xiliyada roobka aanay jirin biyomareeno ay biyuhu ka baxaan. Sidaas darteed, shacabka xaafadda 1aad ayaa waxa ay Dowladda Hoose ee Jigjiga ka codsadeen uguna baaqayaan in si degdeg, xilli roobaadka kahor, jidadka xaafadaha Jigjiga loo dayactiro.

Burburka jidadka iyo biyo-fadhiisinka xilli roobaadkan curtay ayaa laga baqdin qabaan in ay ka dhashaan, siina faafaan, noocyada kala duwan ee cudurada faafa, siiba cudurka adduunka ku cusub (Novel Virus) ee COVID-19 loona yaqaan Coronavirus.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com